DF oo shaacisay arrin cusub oo lagu kordhiyey dabaaldegyadii maalmaha Xoriyadda

Wasiirka Warfaafinta dhaqanka iyo dalxiiska Xukumadda Soomaaliya ahna Guddoomiyaha guddiga qaban-qaabada todobaadka xorriyadda Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) ayaa sheegay in munaasabadihii lagu weyneynayay  sanadguurada 60-aad  ee maalmaha  xorriyadda oo caawa bilaabaneysa ay dowladdu u bedeshay in mashaariic horumarineed ee laga fulinayo guud ahaan dalka maadaama wali lagu jiro xaaladii la dagaalanka cudurka safmarka ee covid-19.

Maareeye ayaa sheegey in micnaheedu uusan aheyn inaan la dabaal degeynin hase ahaatee laga rabo qof kasto oo muwaadin ah inuu muujiyo farxada iyo weyneynta todobaadkaan maadaama ay tahay midnimada ummaadda Soomaaliya.

“Qof kasto waxaa laga rabaa inuu calanka ku xirto albaabka hoygiisa si loo weyneeyo qiimaha ay leeyihiin maalmahan waxaana laga rabaa sidoo kale inay ka shaqeeyaa midnimada ummaadda Soomaaliyeed ee loo soo huray naf iyo maalba, dowladduna waxay xariga ka jareysaa mashaariic fara badan” ayuu yiri Wasiir Maareeye.

Guddoomiyaha guddiga qaban-qaabada todobaadka xorriyadda ahna wasiirka warfaafinta dhaqanka iyo dalxiiska ee xukumadda federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye sidoo waxa uu dowladda goboleedyada ku booriyay inay muujiyaan muhiimadda maalhaan ay leeyihiin isagoo ku amaanay Madaxweynaha koofur galbeed sida uu diyaar garoobay isla markaana ay uga muuqanayaan dar dargalinta howlaha loogu diyaar garoobayo dabaal degyada.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -