Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Safaaradda Maraykanka ee Somalia oo beenisay warar lagu faafiyey Baraha bulshada

Safaaradda Maraykanka ee Soomaaliya ayaa beenisay in la beddelay Ambassador Donald Yamamoto.

Afhayeen u hadlay safaaradda ayaa sheegay in Ambassador Yamamoto uu weli yahay safiirka Maraykanka ee Soomaaliya. “Wixii su’aalo ah ee ku saabsan safiir la magacaabayo mustaqbalka waxaa ka jawaabi kara Aqalka Cad,” ayuu yiri afhayeenku.

“Ilaa haatan cidna looma magacaabin inuu beddelo Ambassador Yamamoto, waxana uu sii wadanayaa shaqadiisa inta taasi laga gaarayo” ayuu yiri afhayeenka.

Safiirrada Maraykanka waxaa magacaaba Aqalka Cad, waxaana ansixiya Aqalka Sare ee Kongareska ee Senate-ka, waana hawl qaadan karta dhowr bilood.

Safiirradu waxay ku shaqeeyaan rabitaanka Madaxweynaha, taariikh ahaanna waxay caadiyan xilka hayaan 2-4 sano.

Ambassador Yamamoto waxa uu muddo dheer ahaa shaqaalaha Wasaaradda Arrimaha Dibedda Maraykanka, waana sarkaalka shaqaynayey muddada ugu dheer, bishii May ee aynu soo dhaafnay ayey u buuxsantay 40 sano oo uu soo ahaa shaqaalaha arrimaha dibedda.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Guddi katirsan Golaha Shacabka oo Su’aalo weydiiyay Wasiir Mukhtaar Roobow

Cabdi Cade

Dhaqan lamid ah kii Boqorada Ingiriiska oo ka jira Madaxtooyada Soomaaliya !!

Cabdi Cade

Saraakiil katirsan ciidamada AMISOM oo bilado iyo shahaadooyin la gudooniiyay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---