Dhaqan lamid ah kii Boqorada Ingiriiska oo ka jira Madaxtooyada Soomaaliya !!

Dhaqanka Boqorada Ingiriiska waxaa ka mid ah in aan loo soo sheegin Waxyaabaha Walwalka ku Abuuraya Boqoraddda sida Qaraxyada, Dilalaka, Dabka Daadadka, Shilalka iyo Waxyaabaha Masiibooyinka ah, waxaana loo sheegaa Boqoradda Waxyaabo Nafsadeeda Jecleysato oo mararka qaar Qosol ka keena sida Abaalmarin la bixiyey, Guul uu ingiriiska soo Hoyey, Warshad la Furey, Ingiriiskaa Wax Ikhtiraacay, Dawo Cusub oo la soo saarey, Aroosyada, Qalin Jabin iyo Arrimaha Bulshada.

Dhaqankaas Boqorada mid la mid ayaa la sheegey in uu ka jiro Madaxtooyada waxayna Dad ku Dhow Dhow Xafiiska Madaxweynaha sheegeen in Madaxweynaha aan loo Gudbin Dhacdooyinka ka dhaca Dalka sida Qaraxyada, Dilalka Dagaalada iyo Isjiidjiidka Siyaasada Dalka Taas Bilcaksigeeda waxa loo sheegaa Madaxweynaha in ay Wax waliba meel Wanaagsan marayaan Xitaa mararka qaar waa laga qariyaa Dhacdooyin aan Qarsoomi Karin oo uu mar Dambe ogaado

la Taliyayaasha Madaxweynaha ayaa la sheegey in ku Xoojiyeen Dadka ku dhow Madaxweynaha in aan loo sheegin Madaxweynaha Dhibaatooyinka Dalka ka Dhaca iyagoo sheegey in Dhibaatooyikaas ay Madaxweynaha ay ku reebayaan Murugo iyo Walwal uuna ka qaadayo Stress, waxaa loo Gudbiyaa Dhacdooyin farxad geliya oo uu aad u jecleysto Madaxweynaha oo si aad loo Qurxiyey oo Muusik Macaan la saarey

Hadaba maanta Dalkeena ma aha Dalalka Hormarey waa Dalka 30 Sanno Dagaalo ku jiray marka waxaa Haboon in Qof kasta oo Madax ka noqonaya Dalkaan uu la socda Xaaladda Dalka waliba aan loo soo sheegin oo uu aad ah u Dhageysto Warbaahinta

Sidoo kale Diinta ayaa in badan ka hadashey Wax la yiraahdo Masuuliyada waxayna Qabtaa in Qof kasta oo Madax ah uu la socdo Nolosha dadka gaar ahaan dadka liita xitaa waxaa la weydiin doonaa Maalinta Aakhiro in Qof Baahi u Dhinto, Duruufo kale ku Dhacaan ama Xanuun Xagee Joogtaa Qarax, Dil iyo Dagaal in Masuul laga Qariyo

Madaxweyne bal mar soo fiiri Xerooyinka Barakacayaasha Nolosha ay ku nool yihiin maanta gaar ahaan mida kuugu dhow ee Sayidka ,Dalka waxaa ka jira Abaaro oo waxaa bilowdey in laga soo Barakaco Deegaanada qaar, iyadoo Dad qaar ay qabaan maanta in ay u Wanaagsaneyd Xiligii Qabqablayaasha sidoo kale dadka Muqdisho ku Nool maanta Noloshooda aad bay u adkaatey Marka Madaxweyne ha Noqon Lax Dhukan Abaar Moog Sidaa Darteed Madaxweyne Halku dhigaadu wuxuu ahaa ee aad Doorashada ku gashey Danta Dalka,iyo Dadka

W/Q Amiin Yuusuf Khasaaro

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -