Ciidanka Danab oo howlgal ku dilay Ashraf Azmi Abu Hamdan & ilaaladiisa

Howlgal qorsheysan oo ay fuliyeen Ciidanka kumaandoska DF ee Danab  ayay sheegeen iney ku dileen mid ka mid saraakiisha ajnabiga ah ee Alshabaab u qaabilsanaa dhinaca tababarada, kaasoo lagu magacaabo Ashraf azmi Abu (Hamdan) una dhashay dalka Nepal ee qaaradda Aasiya.

Saraakiisha Danab ayaa intaas ku daray in Howlgalkan uu ka dhacay degaanada Buur-gaduud, Waabo, Salagle iyo Duqay oo hoos yimaado degmadda Saakow ee gobolka Jubbada dhexe.

Taliyaha guutada 16-aad ee kumaandooska danab G/le Ismaaciil Cabdimaalik Maalin ayaa sheegay in howlgalka uu ahaa mid qorsheysan, oo ay fuliyeen ciidamadda sida gaarka ah u tababaran ee Danab, isla markaana ujeedkiisu uu ahaa beegsiga hogaamiyeyaasha Al-Shabaab.

Taliyaha ayaa tilmaamay in sarkaalka la dilay ee u dhashay dalka Nepal ay la dhinteen saddex ka tirsan ilaaladiisa oo la joogay goobta uu howlgalka ka dhacay.

Ciidanka xoogga dalka gaar ahaan kumaandooska Danab oo uu tababaray Maraykanka ayaa kordhiyay howlgalada ka dhan ah Al-shabaab ee ka socda gobolada dalka qaarkood.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

- Advertisement -