Allbanaadir.com
NEWS

Gabar dhalinyaro ah oo xalay lagu dilay Muqdisho iyo faah faahino kasoo baxaya

Askari katirsan ciidanka dowlada Soomaaliya ayaa xalay xaafada Warshada Caanaha ee degmada Hodan ku dilay gabar dhalinyaro ah oo ka shaqeeneysay goob lagu qurxiyo dumarka.

Sida aan wararka ku helnay askarigan ayaa xabad ku riday mooto bajaaj ay la socotay gabadha geeriyootay oo lagu magacaabayay Xamdi Cabdulaahi , waxaana xabada gabadhan kaga dhacday madaxa iyadoona isla goobta ku geeriyootay.

Lama oga ilaa hada sababta uu askarigan katirsanaa ciidanka dowlada rasaasta ugu riday mooto bajaajta una dilay gabadhan aan wax dambi ah ka galin kuna sii jeeday gurigeeda iyada oo katimid goob ay ka shaqeeneesay.

Meydka gabadhan ayaa la geeyay xaunta Dambi baarista CID-da si baaritaan loogu sameeyo, lamana oga wali in ciidamada amaanka gacanta ku dhigeen askariga gacan ku dhiig laha ah.

Dilalka ciidamada dowlada u geesanayaan dadka shacabka ah ayaa kusoo badanaya magaalada Muqdisho, waxaana maalmihii lasoo dhaafay xaafado katirsan Muqdisho ka dhacay dilal ciidanka dowlada u geesteen shacab aan waxbo galabsan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Masuul shaqadiisa ku waayey ciyaartoyga Lionel Messi oo uu wax ka sheegay

Caydiid Ali

Muxuu Aqalka Sare ee baarlamaanka ku soo kordhiyay dowladnimada Soomaaliya (Ogoow faa’iido iyo khasaaro)

admin

Shirweynaha Dib u qaabeynta Waxbarashada dalka oo maanta ka furmay Muqdisho

Cabdi Cade
Taboola Ads ---