Shirweynaha Dib u qaabeynta Waxbarashada dalka oo maanta ka furmay Muqdisho

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka ahna Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac, oo furay Shirweynaha Dib-u-qaabeynta Waxbarashada dalka ayaa tilmaamay in faqriga, caafimaad darrada iyo siyaasadda gurracan ay tahay astaanta dadka heerkooda aqooneed uu hooseeyo.

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka dalka ayaa sheegay in dalalka dib-u-dhacay ee aysan ka jirin wax horumar ah ay sabab u yihiin dadkooda oo aqoontoodu ay hooseyso, si ay ummadi horumar u gaartana ay lagama maarmaan tahay in kor loo qaado aqoonta dadka.

Mudane Saalax ayaa xusay in afar milyan oo muwaadin Soomaaliyeed ah oo gaaray da’da waxbarashada aysan xiligaan haysan waxbarasho, si caqabadahaas looga gudbana ay xukuumadda DanQaran bilowday qorshe ballaaran oo lagu howlgelinayo ugu yaraan 120 kun oo macallim, iyada oo kor loo qaadayo miisaaniyadda ay dowladdu waxbarashada u qoondeysay.

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka ayaa ku bogaadiyey Machadka Heritage iyo Jaamacadda City mudnaanta ay siinayaan sidii kor loogu qaadi lahaa aqoonta dadka Soomaaliyeed, si ay dadkeennu u noqdaan kuwa leh aqoon ay horumar ku gaaraan, isla markaana ay kula soo baxaan kheyraadka dihan ee dalkeenna Eebe ku manneystay.

- Advertisement -