Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Sidee Madaxweyne Qoor-qoor loogu soo dhoweeyey degaanka Bacaadweyn? (Sawirro)

Wafdi uu horkacayay Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye oo mudooyinkaaba kormeer howleed ku marayay deegaannada Gobalka Mudug ayaa gaaray deegaan Bacaadweyne ee Gobalka halkaas oo si diiran ay ugu soo dhaweeyeen qeybaha bulshada ee ku nool deegaanka.

Madaxweynaha Galmudug ayaa soo dhaweyn kadib la hadlay shacabka reer Bacaadweyne ee Gobolka Mudug, Isagoo sheegay in booqashada uu ku yimid bacaadweyne ay tahay mid qeyb ka ah kormeerka xaqiiqo raadinta nolasha bulshada Gobalka, si maamulku uu gacan uga geysto wax ka qabashada adeegyada lagama maar maanka u ah nolasha aadanaha.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug iyo wafdigiisa ayaa lagu wadaa in kulan gaar ah ay la qaataan maamulka Bacaadweyne si ay uga warbixiyaan baahiyada ka jira deegaankaasi oo dhawaan ay dhibaatooyin kasoo gaartay daadad ku fatahay, isla markaana sababay khasaare naf iyo mid hantiyadeed.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Qorax Madoobad beri laga arki doono dalal ka tirsan caalamka iyo Somalia oo..

Caydiid Ali

Dowladaha Somalia & Sacuudiga oo War Murtiyeed wadajir ah soo saaray (Akhriso)

Caydiid Ali

(Sawirro) DF oo ciidamo hor leh ka duulisay Muqdisho & Xog ku aadan halka ay ku sii jeedaan

Caydiid Ali
Taboola Ads ---