Wasaaradda Arrimaha dibadda Somalia oo ka hadashay hadalkii Madaxweyne Trump

Wasaaradda arrimaha dibadda ee Soomaaliya ayaa u sheegtay BBC-da in aysan wax faallo ah ka bixin karin jawaabta ay ka bixinayaan dhaleeceynta madaxweynaha Mareykanka Donald Trump oo Somalia ku tilmaamay dal aysan ka jirin dowlad iyo amni.

Inkastoo xiriirka ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Maraykanka uu yahay mid diiran, isla markaasna uu sii kordhayo iskaashiga labada dal, haddane waxaa markii ugu horeysay soo baxaya fikradaha xun ee Madaxweynaha Maraykanku ka qabo Soomaaliya.

Sida ay aaminsan yihiin khubaro iyo diblomaasiyiin ku xeel dheer arrimaha Somalia, Dowlada Somalia ayaa taageero dhaqaale iyo mid milateri ka hesha Maraykanka, mana dooneyso iney haatan dhexda ka gasho dagaalka u dhexeeya Trump iyo Ilhan Cumar ee sababay in madaxweynaha Maraykanka uu mar walba tusaale xun u soo qaato Somalia isagoo ku xumeynaya Ilhan Cumar.

Trump oo la hadlayey taageerayaal aan badneyn oo isku soo baxay ayaa ereyada uu ku sifeeyey Somalia ula jeeday Ilhan Cumar oo ah haweeney ka soo jeeda Somalia oo ka tirsan aqalka Congreska Maraykanka.

Wuxuu ka digay in Ilhaan Cumar ay suuragal tahay in ay qeyb ka noqoto maamulka Mareykanka haddii musharraxa madaxtinnimada ee xisbiga Dimuqraadiga Joe Biden uu ku guuleystay doorashada dhici doonto bisha Nofeembar.

“Waxay jeclaan lahayd in ay dalkeenna ka dhigta sida dalkii ay ka timid oo kale – Soomaaliya. Dowlad la’aan, amni la’aan, boolis la’aan. Waxaa ka jirta fowdo uun. Hadda waxay rabtaa in ay noo sheegto sidii aan dalkeenna u maamuli lahayn. Maya, waad mahadsan tahay”, ayuu yiri Trump.

Madaxweyne Trump oo looga bartay hadalo mar walba abuura muran  ayaa sannadkii 2018-kii, dalalka Afrika iyo waddamo kale ku tilmaamay kuwa Kudaafad ah (Qashin-qub), hadalkaasoo caro badan dhaliyey.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -