Allbanaadir.com
NEWS

Baarlamaanka oo meel mariyay xeer dood badan ka taagnaa oo la horgeeyay 

Xildhibaanasa Golaha shacabka ee Baarlamaanka federaalka Soomaaliya oo maanta kulan ku yeeshay xaruntooda KMG ayaa meel mariyay mooshin loo gudbiyay Gudoonka Baarlamaanka oo lagu dalbanayay in kuraasta dumarka kaliya u tartamaan Dumar.

Xildhibaanada ayaana shalay iyo maanta dood kulan ka yeeshay Xeerkan qoondada dumar, waxaana ugu dambeyn Xildhibaanada cod u qaadeen meel marinta ama diidmada xeekan ay soo gudbiyeen Guddiga wadajirka ee dhameystirka Xeerarka doorashooyinka.

Gudoomiyaha golaha Shacabka ayaa cod galiyay xeerka qoondada haweenka gaar ahaan in kuraasta Dumarka aysan rag kula tartamin, waxaana xeerkan u codeeyay in la meel mariyo 134-Xildhibaan , waxaa sidoo kale xeerkan meel marintiisa diiday 7-Xildhibaan.

Maxamed Mursan Sheekh Cabdiraxmaan oo kulanka Shir gudoominayay ayaa ansixinta kadib sheegay in xeerkan ay soo gudbiyeen guddiga wadajirka ee dhameystirka Xeerarka doorashooyinka uu yahay ansax.

Xeerkan ayaana ahaa mid dood badan ka dhax abuuray xildhibaanada sidoo kale kasoo horjeesteen Siyaasiyiin badan, waxa uuna xeerkan yahay mid dan badan ugu jira haweenka maadaama kuraastooda aysan rag kula tartami doonin.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

RW Khayre oo shacab fara badan salaadii ciida kula tukaday Masjidka Isbaheysiga (Sawirro)

Caydiid Ali

Mareykanka oo digniin culus u diray Muwaadiniintiisa caalamka ku baahsan

Caydiid Ali

Madaxweyne Biixi oo kormeeray Xarunta Keydka Qaranka iyo Taaladda Diyaarada (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---