Ciidamo careesan oo xirtay Wado muhiim ah ku dhaw Madaxtooyada Somalia (Sawirro)

Ciidamo katirsan Milatariga Soomaaliya oo ka careesnaa mushaar la’aan mudo heesata ayaa maanta xiray wadada soo gasha Madaxtooyada Soomaaliya gaar ahaan wadada ka timaada dhinaca Taalada Daljirka dahsoon.

Ciidamadan ayaa gaadiidka dagaalka ay wateen ku jaray laamiga, waxa ayna joojiyeen in wax gaadiid ah wadadaasi maraan, ciidamadan ayaana sheegay in ay ka cabanayaan mushaar la’aan mudo dheer heesata.

Qaar kamid ah ciidamada wadada xirtay ee ka careesnaa mushaar la’aanta ayaa sheegay in ay kasoo baxeen aaga dagaalka ee Shabeelooyinka, waxa ayna tilmaameen in aysan helin xaquuqdii ay dowlada ku lahaayeen.

Ciidamadan ayaana ugu baaqay madaxda dowlada federaalka gaar ahaan Madaxweynaha iyo Ra’isul Wasaaraha in xaquuqda ka maqan la siiyo ama laga fasaxo shaqada ciidanka si ay u noqdaan shacab.

Madaxda Dowlada federaalka Soomaaliya ayaa marar badan sheegay in ciidamada diiwaangashan ee dowlada si joogta ah u qaataan mushaarkooda, lamana oga in ciidankan maanta wadooyinka xirtay ay yihiin kuwa diiwaangashan iyo in kale.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -