Malala Yuusuf oo ka qalin jabisay Jaamacad Dunida Caan ka ah

Malala Yuusuf oo u dhalatay dalka Pakistaan kana bad baaday toogasho halis ah oo ay u geesteen dagaalyahano katirsan kooxda Daalibaan ayaa ka qalin jabisay Jaamacada  caanka ah ee Oxford ee kutaala dalka Britain.

Gabadhan oo 22-sano jir ah una ololeeysa Xaquuqda aadaha gaar ahaan xaquuqa gabdhaha iyo waxbarashadooda gabdhaha ayaa shahaadada heerka koobaad ee jaamacada ka qaadatay Oxford, waxa ayna Malala Yuusuf baratay cilmi siyaasadda iyo dhaqaalaha.

Malala Yuusuf ayaa barta ay ku leedahay Twitterka kusoo qortay sida ay ugu faraxsan tahay qalin jabinteeda, waxa ayna soo dhigtay sawirro muujinaya iyada iyo qoyskeeda oo u dabaal degaya guusha ay waxbarashada qeyb kamid ah ka gaartay.

“Ma aqaan waxaan ku cabiro farxadeyda imika aniga oo ka qalinjabiyay kuliyada siyaasadda iyo dhaqaalaha ee jaamacadda Oxford” ayay ku tiri Malala Yuusuf qoraal ay Twitterka soo dhigtay.

Malala oo noqotay qofkii ugu da’da yaraa ee la siiyo abaalmarinta nabadda ee Nobel, waxaana gabadhan oo ka bad baaday dhaawac halis ah ay gaarsiiyeen kooxda Daaliaan oo ka careesnaa in ay u ololeeso waxbarashada gabdhaha xiligaas oo ay iskuul dhiganeysay.

Gabadhan dunida caanka ka noqotay ayaa markii ay bad baaday kadib iyada iyo qoyskeeda waxa ay u guureen dalka Britain gaar ahaan magaalada Bringham halkaas ay ka heshay nolol wanaagsan , waxa ayna u ololeesaa xaquuqad aadanaha.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -