Ciidamada Hindiya ee ku sugan xadka ay la wadaagaan Shiinaha oo amar culus la siiyay

Waxaa sii xoogeesaneysa xiisada u dhaxeysa labada dal ee Shiinaha iyo Hindiya oo ku muransan dhul buuraley ah, waxaana dagaal dhax maray labada ciidan ee xadka ku sugan ka dhashay khasaaro badan oo dhimasho ah.

Ciidamada Shiinaha ayaa biro iyo dhagxaan waxa ay ku dileen 20-asari oo katirsan ciidamada Hindiya, lamana sheegin dagaalkan khasaaraha kasoo gaaray dhinaca ciidamada Shiinaha.

Ra’isal Wasaaraha Hindiya Narendra Modi, oo Warbaahinta dadka Hindiya kala hadlay ayaa sheegay in xiligan uusan jirin dhul laga qabsaday ciidankooda iyo ciidamo Shisheeye oo ku sugan gudaha Hindiya.

Waxa uu sheegay Ra’isul Wasaare Modi in milatariga Hindiya amar buuxa u heestaan in ay qaadaan talaabo kasta oo milatari oo ay ku difaacayaan dhulka Hindiya, waxa uuna cadeeyay in marnaba Hindiya gor gortan ka galeyn qaranimadeeda.

“Dalka Hindiya wuxuu si aad ah uu uga xumaaday ugana carooday tallaabbadii u Shiinaha ku dhaqaaqay, Hindiya nabad iyo saaxibtinimo ayey dooneyso balse ay qaranimadeeda gorgortan ka magaleyno”. ayuu yiri Narendra Modi.

Dowladaha Hindiya iyo Shiinaha oo marar badan horey ugu dagaalamay xadka ayaa sanadkii 1996-dii gaaray heshiis mamnuucaya in labada ciidan ee xadka jooga ay isku adeegsadaan  hub iyo waxyaabaha qarxa.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -