Banaan baxyo ruxay magaalada Kismaayo iyo Wararkii Ugu Dambeeyay (Daawo Sawirada)

Magaalada Kismaayo waxaa wali ka socda banaan baxyo waa weyn oo lagu taageerayo doorashadii maanta ka dhacday magaaladaasi oo Madaxweynaha maamulka Jubbaland loogu doortay Sheekh Axmed Madoobe.

Banaan baxyada oo isugu jiray kuwa lasoo abaabulay iyo kuwa iskood usoo baxay ayaa inta badan lagu taageerayay Sheekh Axmed Madoobe oo mar kale loo doortay in afarta sano ee soo socota Hogaamiyo Maamulka Jubbaland.

Dadka banaan baxa dhigayay ayaa watay sawirada Madaxweynaha maamulka Jubbaland iyo sidoo kale calanka maamulka Jubbaland, waxa ayna dadkan ku dhawaaqayeen ereyo ay ku taageerayaan Sheekh Axmed Madoobe.

Magaalada Kismaayo ayaa sidoo kale laga maqlay rasaas loogu dabaal dagayay dib u doorashada Madaxweynaha Jubbaland, waxaana magaalada maanta dhax mushaaxayada dad u badan taageerayaasha Axmed Madoobe.

Dadka kasoo horjeeda siyaasada Sheekh Axmed Madoobe iyo dib u doorashadiisa ayaan awood u laheyn in ay banaanka usoo baxaan ayna muujiyaan dareenkooda , waxa ayna dadkaasi ka cabsi qabaan in la dhibaateeyo.

- Advertisement -