Allbanaadir.com
NEWS

Madaxda ugu sareysa Dowlada oo goordhaw hal diyaarad ka raacay Muqdisho (Sawirro)

Waxaa goordhaw garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho ka dhoofay madaxda ugu sareysa dowlada federaalka Soomaaliya ,kuwaa oo ku wajahan dalka Jabuuti oo la filayo in wadahadalo ka furmaan.

Wafdiga dowlada ee Muqdisho ka dhoofay waxaa hogaaminaya Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, waxaana qeyb ka ah Guddoomiyaha Golaha Shacabka  Maxamed Mursal , Ra’iisul Wasaare Khayre iyo xubno kale oo labada golle katirsan.

Madaxda ugu sareysa Soomaaliya ayaa dalka Jabuuti u aaday sidii wadahadalo xasaasi ah ula yeelan lahaayeen Madaxda maamulka Somaliland oo iyana saakay u safray magaalada Jabuuti ee caasimada dalka Jabuuti.

Wadahadalada Soomaaliya iyo Somaliland ayaa kusoo aaday xili xasaasi ah, waana markii ugu horeesay Madaxda ugu sareysa dowlada federaalka si wadajir ah uga qeyb galaan wadahadalada Soomaaliya iyo Somaliland oo mudo hakad ku jiray.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne Farmaajo oo Kambala kula kulmay dhigiisa Ndayishimiye (Sawirro)

Caydiid Ali

Xog:-Sababta uu Farmaajo u diidanaa inay Doorasho dhacdo & Rooble oo lagu tijaabinayo Doorashada !!

admin

Faysal Cali Waraabe: “Xoog iyo xeelad mid ay ahaataba Waa inaan soo celinaa Laascaanod”

Caydiid Ali
Taboola Ads ---