Allbanaadir.com
NEWS

Ra’isul Wasaare Abiy Axmed oo madaxda Soomaalida uga hormaray Jabuuti (Sawirro)

Ra’isul Wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Axmed iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa goordhaw gaaray dalka Jabuuti, waxaana garoonka diyaaradaha kusoo dhaweeyay Ra’isul Wasaaraha dalka Jabuuti iyo Masuuliyiin kale.

Abiy Axmed Ra’isul Wasaaraha Itoobiya ayaa goob joog ka noqon doona furitaanka wadahadalada dowlada Soomaaliya iyo maamulka Somaliland, waxa uuna kaalin muuqata ku leeyahay qabsoomida wadahadalan.

Ra’isul Wasaaraha xukuumada Itoobiya oo xiriir fiican la leh madaxda dowlada Soomaaliya iyo kuwa maamulka Somaliland ayaa gacan weyn ka geestay isku keenista iyo wadahadalsiinta labada dhinac.

Waxaa sidoo kale wadahadalada marti galinaya qeyb ka noqon doona isna kaalin weyn ka geestay Madaxweynaha Jabuuti ismaaciil Geelle, waxaana la filayaa in wadahadalada sidoo kale qeyb ka noqdaan iyo wakiilo ka socda Mareykanka iyo midowga Yurub.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Fiqi oo si kulul uga jawaabay hadal ka soo yeeray Itoobiya

Caydiid Ali

Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka oo dacwad ku soo oogay 36 nin oo ajnabi ah (Sababta)

Caydiid Ali

Al Shabaab oo lacago badan u qeybisay Qoysas kunool Muqdisho (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---