Allbanaadir.com
NEWS

Go’aan laga soo saaray cida la wareegeysa hogaaminta dalka Burundi

Maxkamada dastuuriga ee ugu sareysa dalka Burundi ayaa go’aan kasoo saartay cida la wareegeysa talada dalkaasi, kadib geeridii deg dega aheyd ee ku timid Madaxweynihii dalkaasi Pierre Nkurunziza.

Is qab qabsi ayaa ka dhashay cida sida KMG ah usii heyneysa talada dalka Burundi kadib geerida ku timid Madaxweynaha, hasa ahaatee waxaa arintan go’aan cad kasoo saartay maxkamada dastuuriga ee dalkaasi.

Maxkamada dastuuriga ee Burundi ayaa go’aamisay in madaxwaynaha dhawaan la doortay Evariste Ndayishimiye xilka loogu dhaariyo sida ugu dhaqsiyaha badan si uu ula wareego xilka Madaxweynaha .

Madaxweynaha la doortay ayey aheyd in uu xilka la wareego labo bilood kadib, hasa ahaatee waxaa hada soo de dejisay in xilka la wareego geerida ku timid Madaxweynaha, waxaana meesha ka baxday in Afhayeenka Baarlamaanka si kMG ah talada ula wareego.

Garsoorayaasha maxakamada dastuuriga ee dalka Burundi ayaa sheegay in xilliga KMG ee ay tahay in uu xilka qabto afhayeenka baarlamaanka ay ahaan lahayd marka doorasho cusub la qabanayo, balse imika uu joogo madaxwayne cusub oo la doortay

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Wasiir Turki ah oo Shaaciyay in Xamaas dili doonaan Ra’isul Wasaaraha Israel

Cabdi Cade

Wadaado Soomaaliyeed oo isku qoys ahaa oo lagu dhax laayay Masjid gudahiis

Cabdi Cade

(Daawo Sawirro) Deni oo la dardaarmay ciidamo ka tirsan Puntland oo dhameystay tababar

Caydiid Ali
Taboola Ads ---