Allbanaadir.com
GALMUDUGNEWS

Ciidamada NISA oo xabsi ku guray Odayaal fuliyey amar ka soo baxay Al-Shabaab

Ciidamada NISA ayaa maanta waxay xir-xireen qaar ka mid ah Odayaal dhaqameedyo ku sugnaa degaanno hoos taga gobolka Galgaduud.

Sida wararku sheegayaan ciidamada ayaa maanta waxay degaan lagu magacaabo Baxdo oo ka tirsan degaannada Galgaduud ka wateen lix ka mid ahaa Odayaasha dhaqanka ee deegaankaasi.

Odayaashan ayaa lagu eedeeyey inay ka hor yimaadeen amar uu horay u soo saaray maamulka Galmudug, oo ahaa inaysan tegi karin degaannada ay ka arrimiyaan Al-Shabaab.

Saraakiisha NISA ayaa intaas ku daray in odayaasha ay tageen degaano ay ka taliyaan Al-Shabaab, ka dib markii ay hogaansameen amar sidaas farayey oo kooxdaas ka soo baxay, hase ahaatee lama xukunka iyo ciqaabta ay mudan doonaan odayaashan lama oga.

Wasiirka Amniga maamulka Galmudug Axmed Macalin Fiqi, ayaa shaaciyay dhowaan in tallaabo sharciga waafaqsan laga qaadi doono, dadka lagu ogaado inay tagaan deegaanada ay maamulaan Al-Shabaab, aysana u dulqaadan doonin in amar ka soo baxay kooxdaas uu ka shaqeeyo degaanada Galmudug.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Sheekh Cisman Axmed Geedi iyo wiilkiisa oo la dilay iyaga oo Salaad ku jira

Cabdi Cade

Raisul Wasaare Rooble oo kormeer ku tagay Safaarada Soomaaliya ee Doha (Sawirro)

Cabdi Cade

Wasaaradda Gaashaandhigga oo Digniin adag u dirtay Shacabka kunool Ceelbuur iyo Galhareeri

Cabdi Cade
Taboola Ads ---