Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

AMISOM oo qiratay shacab ku dhintay dagaal ka dhacay gobolka Sh/hoose

Howlgalka nabad-ilaalinta Midowga Afrika ee Soomaaliya ee Amisom ayaa qiray in dad shacab ah ay ku dhinteen iska hor-imaad dhex-maray ciidankooda iyo kuwa Al-Shabaab oo ka dhacay deegaanka Janaale ee gobolka Shabeellada Hoose.

Qoraal kasoo baxay Amisom ayaa lagu sheegay in 8-dii June ay dagaal-yahanada Al-Shabaab soo weerareen waddo agabka loo mariyo ciidanka Amisom oo ku taalla Waqooyiga Bari ee Janaale, kadibna iska hor-imaad ka dhashay jawaabtii ay bixiyeen ciidamada Amisom ay ku dhinteen dad shacab ah.

“Nasiib darro, saddex haween ah ayaa lagu dilay iska hor-imaadka waxaana lagu dhaawacay laba kale, oo hadda lagu daweynayo isbitalka Amisom. Waxaa raali-gelin iyo tacsi u direynaa ehellada kuwa dhintay, waxaana kasoo kabasho deg-deg ah u rajeeneynaa kuwa dhaawaca ah,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Amisom.

Madaxa howlgalka Amisom Francisco Madeira ayaa sidoo kale tacsi u diray ehellada dadka dhintay, wuxuuna ballan-qaaday inay sare u qaadi doonaan sugidda amniga si loo xaqiijiyo bad-baadinta shacabka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne Trump oo hanjabaad culus u jeediyay dowlada Ciraaq shuruudna ku xiray ka bixitaanka …

Cabdi Cade

Israel oo ku goodisay iney Rafah u adeegsaneyso hub caalamka laga mamnuucay

Caydiid Ali

Xildhibaano badan oo loo ballanqaaday in wasiirro laga dhigayo iyo qorshaha Madaxweyne…

Cabdi Cade
Taboola Ads ---