Daawo Sawirada :Ciidamo hubeesan oo kamid noqonaya Daraawiishta Galmudug oo lala wareegay

Wasaarada amniga maamulka Galmudug ayaa la wareegtay ciidamo maleeshiyo beeleed ahaa iyo hubkii ay heesteen, waxaana ciidankan la qorsheeyay in tababar loo furo si ay uga mid noqdaan ciidamada Daraawiishta maamulka Galmudug.

Wasiirka Amniga Galmudug Axmed Macalin Fiqi iyo masuuliyiin kale oo katirsan maamulka Galmudug ayaa goob joog ka ahaa munaasabada ciidankan ku wareejinayeen beel kamid ah beelaha dega gobolka Mudug.

Qaar kamid ah ragii hogaaminayay maleeshiyaadkan iyo hubka ay Galmudug la wareegtay ayaa sheegay in ay diyaar u yihiin in ay kamid noqdaan ciidamada Daraawiishta Galmudug , waxa ayna sheegeen in ay qeyb ka noqonayaan xoreynta deegaanada Galmudug.

Wasiirka Amniga Dowlad goboleedka Galmudug Axmed Macalin Fiqi oo la wareegay maleeshiyaadka iyo hubkooda ayaa uga mahad celiyay waxgaradka beelaha hubka iyo maleeshiyaadka ku wareejiyay.

Fiqi ayaa sheegay in maleeshiyaadkii horay u heystay hubka iyo gaadiidka dagaal ee lagu wareejiyay ay u sameeyn doonaan dhaqan celin iyo tababar isla markaana ay ka mid noqon doonaan Ciidamada Daraawiishta Galmudug.

Maamulka Galmudug ayaa wada dadaalo lagu xareenayo maleeshiyo beeleedka ku sugan deegaano badan oo maamulkaasi katirsan, waxaana Galmudug qorsheeneysaa in ay qarameyso maleeshiyaadka hubeesan.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -