Madaxweyne Waare oo qaatay Go’aan aysan ku farxin Villa Soomaaliya (Akhriso)

Madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa War saxaafadeed uu soo saaray ku taageeray Go’aankii kasoo baxay Aqalka sare ee ku baaqay in shir deg deg ah Madaxda Qaranka iyo kuwa Dowlad goboleedyada.

War Saxaafadeedka Waare soo saaray ayaa lagu sheegay in ay soo dhaweenayaan fikirka wanaagsan ee aqalka sare soo saaray ee loogu turayo shacabka Soomaaliyeed, waxa uu sidoo kale Waare sheegay in muhiim tahay in isku tanaasul yimaado.

Go’aankan Madaxweyne ku taageeray Baaqa Aqalka sare kasoo baxay ayaa la sheegay in uusan farxad galin Madxatooyada Soomaaliya oo gacanta ku heysay maamulka Hirshabelle, waxaana horey go’aankan usoo dhaweeyay maamulada Puntland iyo Jubbaland.

Maamulada Galmudug iyo Koonfur Galbeed Soomaaliya oo si weyn u taageera dowlada federaalka Soomaaliya ayaan wali ka hadlin baaqa aqalka sare ee ku aadan in shir deg deg ah isugu yimaadaan Madaxda dowlada federaalka iyo kuwa maamul goboleedyada.

 

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -