Kulan deg deg ah oo la iskugu yeeray Guddiga joogtada ah ee Baarlamanka Somalia

Guddiga joogtada ah ee Golaha Shacabka ayaa maalinta berito ah kulan deg deg ah la iskugu yeeray  xarrunta Guddoonka Iyo Guddiyada ee Villa Hargaysa ee magalaadda Muqdisho.

Kulanka guddiga joogtada ah ayaa waxa ay kaga hadli doonaan dejinta Ajendayaasha Kalfadhiga 7aad ee Golaha Shacabka ee uu 6dii bisha furay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane mohamed Abdullahi Mohamed Farmaajo sida ku xusan qoraal caawa ka soo baxay Guddoonka baarlamanka.

Guddiga joogtada ah ee Baarlamaanka ayaa go’aan ka gaaraya sida uu noqon doono kalfadhiga 7aad xildhibaannadu yeelan doonaan inta ay ka dhammaan mudadda xil heyntooda oo ku eg dabayaaqayada sanadkan.

Qodonka ugu weyn ee Baarlamaanka horyaalla ayaa ah go’aan ka gaarista Doorashada dalka 2020/2021 iyo xeerarka dhammeystirka Doorashada, Maqaamka Muqdisho iyo Arrimo kale oo xasaasi ah si weyna isha loogu hayo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -