Booliska Puntland oo raali gelin ka bixiyey Muuqaal lagu baahiyey baraha bulshada

Taliye ku-xigeenka booliska gobolka Karkaar, Jaamac Cismaan Axmed Dhalac iyo taliyaha saldhiga degmada Qardho ee maamulka Puntland Cumar Hiirad Kaatun, oo maanta shir jaraa’id u qabtay warbaahinta ayaa raaligelin ka bixiyey muuqaal si weyn u qabsaday baraha bulshada.

Waxaa duubay muuqaalkan ciidamada booliska kaasoo muujinayey Booliska oo hanjabaad iyo bahdil u geysanaya koox dhalinyaro isugu jira gabdho iyo wiilal da’yar oo habeen saq-dhexe ku caweynayey duleedka Magaalada Qardho.

Labada taliye ayaa sheegay inay muuqaalka duubeen dad kale oo goobta ku sugnaa booliskana aan ka tirsaneyn.

“Clipka aanu duubanaynay a uusan ahayn mid aanu ku bahdilayno dhalinyarada aanu meesha ugu tagnay ee wuxuu ahaa mid aanu cadeyn uga dhigayno waalidiintu berri ka maalin marka ay inoo yimaadaan inaanu cadeyn uga dhigno, dad kale oo mobilo watey oo nala joogay ama askaro ha ahaadaane ama dad kale ha ahaadaane ayaa muuqaalo kale duubtay ka bacdina waxay dhigeen baraha bulshada “ ayuu yiri Cumar Hiirad, waana kuwaas muuqaalada la baahiyey.

Jaamac Cismaan Axmed Dhalac, Taliye ku xigeenka qaybta booliska gobolka Karkaar, ayaa sheegay in falkaasi ahaa mid dhaqanka iyo anshaxa ka fog.

Booliska Puntland ayaa dhaleeceyn xoogan kala kulmay muuqaalka ay ka duubeen dhalinyarada ku caweyneysay duleedka magaalada Qardho, kaasoo muujinayey wejiyadooda, waxaana xeerarka Booliska mamnuuc ka ah in la baahiyo muuqaalo dad shacab ah oo aan maxkamad la soo taagin ama aan xukun lagu ridin.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -