Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Waare oo wareejiyey lacag ka badan hal milyan & Boqol kun oo dollar (Sawirro)

Madaxweynaha maamulka Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare ayaa Munaasabad lagu qabtay Magaalada Beledweyne ku Wareejiyay Lacagihii loogu talo galay fatahaada Beledweyne ee ka kala yimid Dowladda Federaalka Ee Soomaaliya iyo Jabuuti.

Waare ayaa ku wareejiyay Guddiga Ganacsatada Fatahaada Beledweyne jeeg ay ku qoran tahay lacagtaas.

Munaasabadan ayaa waxaa goob joog ka ahaa xubno ka tirsan labada Gole ee Hirshabelle, qeybaha kale duwan ee bulshada Magaalada Beledweyne oo ay hormuud u ahaayeen Dhalinyarada iyo Odayaasha Dhaqanka.

Lacagta uu Madaxweyne Waare ku wareejiyey Guddiga ayaa kala ah:-

1- $ 600,000 – ka timid Dowlada Jabuuti

2- $ 500,000 – Ka timid Dowlada Federaalka iyo

3- $ 40,000 – ka timid Gudiga Fatahaada ee heer Qaran waxaana isugeynta lacagtaas ay gaareysaa $1,140,000 (Hal malyan Boqol iyo Afartan kun oo dollar)

Guddiga Ganacsatada iyo fatahaadaha Beled-weyne ayaa balan-qaaday in dhaqaalahaas ay si hufan u maamuli doonaan, laguna fulin doono mashaariic looga hortagayo fatahaadaha ku soo laalaabtay Belad-weyne.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Ra’isul Wasaare Xamse Barre oo booqasho ku tagay xarunta Safaaradda ee Nairobi (Sawirro)

Cabdi Cade

Maxkamada ciidamada Puntland oo dil ku xukuntay Shan xubnood oo lagu eedeeyey..

Caydiid Ali

Raisul Wasaare Khayre oo la kulmay Madaxweyne Kenyatta (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---