Askar tacadiyo kula kacay Nin Oday ah oo Dacwado lagu soo oogay kadib Muuqaal laga duubay

Labo askari oo katirsan booliiska dalka Mareykanka ayaa lagu soo oogay dacwado la xariira in ay ku tacadiyeen nin oday ah xili ay booliiska magaalada Buffalo ay hirgalinayeen bandow lasoo rogay.

Muuqaa la duubay ayaa laga arkayay Aaron Torgalski, oo 39-jir ah, iyo Robert McCabe, oo 32-jir ah, oo dhulka si xoog ah ugu kala tuurayaa Martin Gugino oo 75-sano jir ahaa, odaygan ayaana madaxa dhulka ku dhufsaday kadibna dhiig dhagaha ka keenay.

Labadan askari ee katirsan booliiska Mareykanka ayaa lagu soo oogay dacwado tacadi ah, waxaana la sheegay hadii dacwadaha lagu soo oogay lagu helo ay wajahayaan xukuno adag oo xabsi .

War kasoo baxay booliiska Mareykanka ayaa lagu sheegay in labada askari ee tacadiga u geestay ninka odayga ah laga joojiyay shaqada ciidanka sidoo kale laga joojiyay mushaarkii ay qaadan jireen askartan.

Dhacdadan ayaa kusoo aadeysa xili dalka Mareykanka wali ka socdaan dibad baxyo looga soo horjeedo nin madow ah oo ciidamada booliiska Mareykanka si arxan daro ah u dileen iyadoo  muuqaal laga duubayo.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -