Wasiirka Amniga Galmudug oo ka bad baaday isku day la doonayay in lagu dilo

Wasiirka amniga maamulka Galmudug Axmed Macalin Fiqi oo Warbaahinta kula hadlay Koonfurta magaalada Gaalkacyo ayaa sheegay in uu ka bad baaday isku day ay Al Shabaab ku doonayeen in ay ku dilaan.

Fiqi ayaa sheegay howlgal ciidamada amaanka ka sameeyeen magaalada Gaalkacyo kusoo qabteen qarax miino nuuca gaadiidka lagu dhajiyo uu sheegay in la doonayay in isaga gaariga loogu xiro si loogu dilo.

Wasiirka Amniga Galmudug ayaa sheegay in qaraxan uu maleegay nin ganacsade ah uu sheegay in Al Shabaab xiriir la leeyihiin, waxa uuna tilmaamay in ganacsadahan bixiyay xoggo badan markii gacanta lagu dhigay.

Waxa uu sidoo kale sheegay Axmed Macalin Fiqi sargaal kale oo katirsan Al Shabaab ay toogteen ciidamada Danab kadib markii uu la dagaalamay, waxa uuna xusay in howlgaladii ugu dambeeyay laga sameeyay Gaalkacyo lagu fashiliyay howlgalo argagaxiso.

Al Shabaab ayaa marar badan Magaalada Gaalkacyo ka fulisay qaraxyo ismiidaamin iyo dilal qorsheesan, lamana oga howlgalada ka socda magaalada Gaalkacyo waxa ay ka badali karaan xaalada amaan ee horey uga jirtay magaaladaasi.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -