Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Dayuuradaha Maraykanka oo duqeyn ku dilay xubno ka tirsan Al-Shabaab

Dawladda Soomaaliya ayaa sheegtay in duqayn cusub ay ka dhacday meel u dhow magaalada Jilib ee gobolka Jubada dhexe.

Sarkaal ka tirsan ciidamada xoogga dalka ayaa sheegay in duqeyntan lagu dilay xubin ka tirsan ururka Al-Shabaab.

Dawladda Soomaaltya waxay sheegtay in duqayntan ay dhacday shalay oo Isniin ah, isla markaana la fuliyey iyadoo lala kaashanayo dawladda Maraykanka.

Waxay sheegtay dawladda Soomaaliya inaan laga nasan doonin weeradada noocan ah ilaa xubin kasta oo Al-Shabaab ah laga xoraynayo shacabka Soomaaloyeed.

Dhinaca kale,War qoraal ah oo kasoo baxay Taliska ciidamada Maraykanka ee qaarada afrika (AFRICOM) ayaa waxaa ay ku sheegeen in iyagoo kaashanaya Ciidanka dowladda Soomaaliya ay duqeyn ka geysteen meel ku dhow Degmada Jilib.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Beesha Caalamka oo ka hadashay Safarada badan ee Dibadda uu u baxay Madaxweyne Xasan Sheekh

Cabdi Cade

Wado Muhiim ah oo kutaala Muqdisho oo Dib u dhis lagu sameenayo (Sawirro)

Cabdi Cade

Farmaajo & Muuse Biixi oo ka tacsiyadeeyey oday dhaqameed caan ah oo geeriyooday

Caydiid Ali
Taboola Ads ---