Allbanaadir.com
NEWS

Ciidamo badan oo lagu soo daadiyay Wadooyinka Muqdisho iyo Sababta ka dambeesa

Ciidamo badan oo booliis ah ayaa saakay lasoo dhigay qeybo badan oo kamid ah wadooyinka magaalada Muqdisho, ciidamadan ayaana xiray qaar kamid ah laamiyada muhiimka ah ee caasimada mara.

Dadka degan magaalada Muqdisho ayaana saakay ku baraarugay ciidamo badan oo lasoo dhigay wadooyinka kuwaa oo gaadiidka dadweynaha u diidaya in ay maraan wadooyinka, waxa ay sidoo kale ciidamadan si weyn u ilaalinayaan amaanka.

Ciidamadan lasoo dhoobay wadooyinka magaalada Muqdisho ayaa loogu tala galay in ay ilaalinayaan banaan bax weyn oo la filayo in maanta ka dhaco qeybo kamid ah magaalada Muqdisho.

Banaan baxan oo abaabulkiisa xalay ilaa saakay si weyn uga scday magaalada Muqdisho ayaa lagu taageerayaa baaqii Madaxweynaha Soomaaliya u jeediyay xildhibaanada labada aqal ee ku aadanaa in aqalka sare matalaad ku yeelato Muqdisho.

Maamulka gobolka Banaadir ayaana wada ababaulka banaan baxan oo la filayo in ay kasoo qeyb galaan masuuliyiin, waxaana banaan baxa la isugu keenayaa dadweyne badan oo laga soo aruuriyay degmooyinka gobolka Banaadir.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Ciidanka XDS oo shacabka Muqdisho ku wargeliyey talaabo ay beri qaadi doonaan

Caydiid Ali

Qatar oo shaacisay inay heshiis cusub dhex dhigtay Israa’iil iyo Xamaas

Caydiid Ali

Taliye Fahad Yaasiin oo bixiyey amar cusub ka dib shaacinta dilkii Ikraan Tahliil

Caydiid Ali
Taboola Ads ---