Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Mid mid ah fanaaniintii ugu caansanaa Somalia oo Muqdisho ku geeriyooday

Allaha u naxariistee fannaankii weynaa ee Soomaaliyeed Cabdi Tahaliil Warsame ayaa Muqdisho ku geeriyooday xalay saqdii dhexe.

Sanadihii dambe marxuumka xanuuno kala duwan ayuu la ildarnaa, isagoo xalay ku geeriyooday isbitaal ku yaalla Muqdisho sida ay xaqiijiyeen eheladiisa.

Cabdi Tahaliil Warsame wuxuu ka mid ahaa fannaaniinta safka hore kaga jira fanka Soomaaliyeed aad kana loo jecelyahay heesihiisa oo isugu jira jaceyl iyo waddaniba, isagoo ka mid ahaa hoboladii Qaranka ee Waaberi.

Dad u badan Fanaaniin iyo abwaano ayaa ka tacsiyadeeyey geeridiisa oo ay sheegeen iney aad uga naxeen, iyagoo xusay doorkii shariifka ahaa ee fanaanku ka soo qaatay horumarinta fanka Soomaaliyeed.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne Deni oo garaacay Albaabada guryo kuyaalla Badhan (Daawo Sawirro)

Cabdi Cade

Wasiir Cawad & danjire Mehmet Yilmaz oo ka wada hadlay labo qodob (Sawirro)

Caydiid Ali

Ciidamo Kenyan ah oo ku dhintay qarax lala beegsaday & faahfaahino ka soo baxaya

Caydiid Ali
Taboola Ads ---