Ciidamo Kenyan ah oo ku dhintay qarax lala beegsaday & faahfaahino ka soo baxaya

Qarax ciidamada Kenya lagula eegtay degaan ka tirsan gobolka ku yaalla Xeebta ee Lamu sida ay sheegayaan wararka halkaas naga soo gaaraya.

Gaari dagaalka ah oo ay la socdeen ciidanka Kenya ayay wararku intaa ku darayaan in miino la aasay ay ku qabsatay inta u dhaxaysa Kenya Forest iyo degaanka Bodhey oo ka wada tirsan gobolka Lamu.

Saraakiisha ciidanka ammaanka dalka Kenya oo la hadlay warbaahinta ayaa waxay sheegeen qaraxan inay kaga dhinteen ilaa shan askari oo ciidankooda ka tirsanaa, sidoo kalena ay ku dhaawacmeen qaar kale.

War ay Baraha wararkooda ku faafiyeen kooxda Al-Shabaab ayay ku sheegeen in qaraxaasi ay ku dileen 9 askari oo Kenyan ah, kadib markii gaari ay saarnaayeen ay la kacday Miino loo dhigay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

 

- Advertisement -