Allbanaadir.com
NEWS

Qarax Khasaaro geestay oo ka dhacay Muqdisho iyo Faah Faahino kasoo baxaya

Qarax dhaliyay khasaaro isugu jira dhimashjo iyo dhaawac ayaa ka dhacay duleedka magaalada Muqdisho gaar ahaan halka loo yaqaan Garsabaaley, waxaana qaraxan waxyeelo kasoo gaarayy dad sdhacab ah.

Sida aan wararka ku heln ay qaraxan miino oo la dhigay hareeraha wadada ayaa la doonayay in lagu qarxiyo gaari ciidan oo halkaasi marayay balse qaraxa ayaa dhacay markii gaariga ka gudbay.

Qaraxa ayaana haleelay mootooyin iyo dad kale oo shacab ah oo goob taasi marayay, waxaana inta la xaqiijiyay ku dhintay labo qof oo shacab ah halka ay ku dhaawacmeen qof kale oo shacab ah.

Qaraxyada miino ayaa aad uga dhici jiray hareeraha laamiga dheer ee isku xira magaalada Muqdisho iyo Afgooye, hasa ahaatee qaraxyada miino ayaa yaraaday tan iyo markii dib loo dhisay laamigan isku xira Muqdisho iyo Shabeelaha Hoose

.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

(Sawirro) Dayuurad uu leeyahay Madaxweyne caan ah oo laga helay daroogo fara badan

Caydiid Ali

Mareykanka oo Shaaciyay in Duqeyn ku dileen xubno badan oo katirsan Al Shabaab

Cabdi Cade

Ruushka oo lagu eedeeyey inuu dambiyo culus ka geystay dalka Ukraine

Caydiid Ali
Taboola Ads ---