Allbanaadir.com
NEWS

Booliiska Koonfur Afrika oo dil u geestay Muwaadin Soomaaliyeed iyo Sababta keentay

Wararka aan ka heleyno magaalada Pretoria ee caasimada dalka Koonfur Afrika ayaa sheegaya in muwaadin Soomaaliyeed oo kunoolaa magaaladaasi u geeriyooday jir dil ay u geesteen booliiska Koonfur Afrika.

Sida aan wararka ku helnay booliiska ayaa jirdil xoogan u geesay muwaadin Soomaaliyeed ay ku eedeeyeen in uu ku xadgudbay bandowga magaalooyinka dalkaasi la saaray ee looga hortagayo faafitaanka cudurka Caronavirus.

Muwaadin Soomaaliyeed ee dileen ciidamada booliiska ee ka howlgala magaalada Pretoria ayaa magaciisa lagu soo koobay Maxamed, waxa uuna u geeriyooday dhaawacyo kasoo gaaray jirdilka booliiska u geesteen.

Dalka Koonfur Afrika waxaa saaran bandow lagu soo rogay magaalooyinka dalkaasi , waxaana booliiska iyo ciidamada milatariga awood u adeegsadaan dadka jabiya amarada xanibaada ama bandowga lasoo rogay.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne Deni oo Safar degdeg ah maanta ku imaanaya Muqdisho iyo Ujeedka Safarkiisa

Cabdi Cade

Villa Somalia oo war ka soo saartay kulankii Xassan Shiikh & Jonas Gahr Støre

Caydiid Ali

Ra’isul Wasaare Xamse Barre oo Amar saameenaya Wasiiradda siiyay Wasiirka Maaliyadda

Cabdi Cade
Taboola Ads ---