Allbanaadir.com
NEWS

Villa Somalia oo war ka soo saartay kulankii Xassan Shiikh & Jonas Gahr Støre

WAR-SAXAAFADEED VILLA SOMALIA

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta kulan la qaatay Ra’iisul Wasaaraha dalka Norway, Mudane Jonas Gahr Støre.

Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha Norway ayaa si qoto dheer uga wada hadlay horumarinta iskaashiga labada dal, waxayna isla qaateen in la xoojiyo iskaashiga dhaqaalaha, mashaariicda horumarka iyo amniga.

Sidoo kale, waxaa si gaar ah diiradda loo saaray xadgudubka Itoobiya ee ka dhanka ah madaxbannaanida Soomaaliya iyo xasiloonida gobolka. Madaxweynaha ayaa uga warbixiyey Ra’iisul Wasaaraha Norway dhibaatada ka dhalatay xadgudubka Itoobiya iyo dadaallada dowladda Soomaaliya ee ku aaddan ilaalinta madaxbannaanida iyo midnimada dalka.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha Norway la wadaagay dadaallada xooggan ee dowladda Soomaaliya ay ku bixineyso dagaalka ka dhanka ah argagixisada Alshabaab, isagoo caddeeyey in dowladda Soomaaliya ay ka go’an tahay in ay cirib tirto argagixisada Alshabaab oo caqabad ku ah nabadda iyo xasiloonida dalka iyo gobolka.

Kulanka ayaa ku soo dhammaaday jawi isfaham iyo is-afgarad ah, iyadoo labada dhinac ay ku heshiiyeen inay sii wadaan wada shaqeynta iyo iskaashiga dhow ee labada dal.

-DHAMAAD-

Related posts

Maxaa ka jira in Axmed Macalin Fiqi uusan u tartameyn kursigiisa Xildhibaanimo?

Caydiid Ali

Dowlada Somalia oo War ka soo saartay dilka Bilaal Al-Sudani oo ka tirsanaa Daacish

Caydiid Ali

Ra’iisul Wasaare Hassan diab oo goor dhow shaaciyey inuu xilka iska casilay & sababta

Caydiid Ali