(Akhriso) Qeyb ka tirsan Xaafada Daaru-salaam oo loo magacaabay Waax hoos tagta degmada..

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Cumar Maxamed Maxamuud (Cumar Filish) ayaa qeyb ka mid ah xaafada Daaru-salaam ka dhigay waax ka mid waaxyaha degmada Dayniile.

Qeybta bari ka xigta laamiga kala qeybiya xaafada Daaru-salaam ayaa noqotay waaxda cusub ee la hoos geeyey degmada Dayniile inkastoo aan weli magac loo bixinin

Shalay ayey aheyd markii qeybta kale ee xaafada Daaru-salaam laga dhigay beel gaar ah oo leh maamul gooni ah ka dib qoraal ka soo baxay maamulka gobolka Banaadir.

Xaafada Daarusalaam ayaa ku taalla meel 7-Km u jirta magaalada Muqdisho, waana xaafad cusub oo ay maalgashadeen ganacsato Soomaali ah, taasoo si casri ah loo dhisay, iyadoo loo dhameystiray dhamaan waxyaabaha aasaasiga u ah nolosha.

Hoos ka Akhriso Qoraalka qeyb ka mid ah xaafada daarusalaam loogu magacaabay waax hoos tagta degmada Dayniile.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com 

- Advertisement -