Xiisada u dhaxeysa Itoobiya iyo Sudan oo sii xumaatay iyo Safiirkii Sudan u joogay Itoobiya oo…

Waxaa sii xoogeesanaya xiisada u dhaxeysa dowladaha Sudan iyo Itoobiya, xiisadahan ayaana salka ku haya biyo xireenka Itoobiya ka dhiseyso Wabiga Niil iyo sidoo kale isku dhacyo ka dhacay xadka labada dal.

Dowlada Sudan ayaa u yeeratay safiirkii u joogay dalka Itoobiya , waxa ayna Xukuumada Khartuum sheegtay in ay ka xuntahay maleeshyaad Itoobiyaan ah oo taageero ka helaya ciidamada dalkaasi in ay kasoo gudbeen xadka Sudan.

War kasoo baxay Wasaaradda arrimaha dibedda ee Sudan, ayaa lagu sheegtay  maliishiyaad Itoobiyaan ah oo ay taageerayaan ciidanka Itoobiya  ay si sharci darro ah uga tallaabeen xadka Sudan.

Maleeshiyaadkan Itoobiyaanka ee ka gudbay xadka Sudan ayaa sababay isku dhac ka dhaca dhanka Xadka, waxaana isku dhacaasi ku dhintay askari Sudan u dhashay iyo cunug yar halka tiro kalana ku dhaawacmeen.

Xiisada Sudan iyo Itoobiya oo markii hore ku ekeyd biyo xireenka Wabiga niil ka dhiseyso Itoobiya ayaa hadana waxaa uga sii daray xiisada ka taagan dhinaca xadka oo dhoor mar isku dhaceen labada ciidan ee xuduuda ilaaliya iyo maleeshiyaad ay taageeraan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com 

- Advertisement -