Allbanaadir.com
NEWSSOUTH WEST

Sh/hoose: Nin la sheegay inuu Saaxir ah ahaa oo xukun toogasho ah lagu fuliyey

Fagaare ku yaalla degaan aan magaciisa la sheegin oo hoos taga degmada Qoryooley ee gobolka Sh/hoose ayaa maanta gelinkii dambe lagu dilay nin lagu eedeeyey inuu ahaa saaxir sida ay baahisay warbaahinta Al-Shabaab.

Maxkamadda Al-shabaab ee gobolka Sh/hoose ayaa xukun dil ah ku riday nin 50 sana jir ah oo lagu magacaabi jiray Abuukar Xaaji Cumar kaasoo la sheegay inuu dad badan sixir ku dhibaateeyey.

Al-shabaab ayaa sheegtay in ninkan Maxkamadda horteeda ka qirtay inuu muddo 5 sana ah oo ku shaqeysanayay sixirka, uuna dad badan ku sameeyey sixir.

Dad fara badan oo ay soo saareen Al-shabaab ayaa iskugu soo baxay goobta lagu toogtay ninkan, iyadoo daawanayey sida xukunkaas loo fulinayey.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com 

Related posts

Mareykanka oo soo riday shay aan la garaneyn oo meel sare ku duulayey (Sawirro

Caydiid Ali

Kulane Jiis oo Maxkamad loo qalqaalinayo iyo doorashada Aqalka sare oo..

Caydiid Ali

Xukuumadda Somalia oo meel marisay laba Hindise Sharciyeed oo la horkeenay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---