Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka oo War ka soo saaray dadkii lagu laayey degaanka Gololey

Taliyaha ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed Gen. Odawaa Yuusuf Raage oo caawa shir jara’id ku qabtay xarunta taliska qaybta 21aad ee degmada Cadaado ayaa sheegay in ciidanka Xoogga dalka aysan wax lug ah ku lahayn dhacdadii dadka lagu laayey ee Gololey.

Rag ku lebisnaa dareyska ciidanka milateriga DF oo wejiyada soo qarsaday gaari nooca dagaalka ahna la socday ayaa nolosha ku watay ka dibna laayey  8 qof oo ka shaqeynayay xarun Caafimaad oo degaanka Gololey ku taalla, iyagoo ka careysnaa qarax ka dhacay degaanka oo ay ku naf waayeen sagaal askari.

Gen. Odawaa Yuusuf Raage ayaa intaas ku daray inuu aad uga xun yahay dhacdadaaas foosha xun, uuna cambaareynayo, isagoo xusay iney wadaan baaritaan qoto dheer iyo howlgal lagu daba galayo raggii ka dambeeyey falkaas.

“Ciidanka Xoogga dalka shaqo kuma laha dhacdada lagu xasuuqay dhalinyarada dhaqatiirta aheyd ee ka shaqeynaysey xarunta Caafimaadka Gololey, suuragalna ma aha in askar ka tirsan ciidanka xoogga dalka oo damiir dadnimo leh ay falkaas geysnayaan.

Taliye Odowaa ayaa intaas ku daray in ciidanka xoogga dalka loo tababaray jir ahaan iyo maskax ahaan sidii ay cadowga gudaha iyo dibeda uga difaaci lahaayeen shacabkooda.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com 

 

- Advertisement -