Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Mareykanka oo soo riday shay aan la garaneyn oo meel sare ku duulayey (Sawirro

Dayaaradaha dagaalka Maraykanka ee F-22 ayaa gobolka Alaska kusoo riday shay aan la garanayn oo meel sare ku duulayay, sida ay sheegeen saraakiil Maraykan ah, wax ka yar toddobaad kadib markii ay ciidamadu soo rideen buufin uu leeyahay Shiinuhu oo soo gashay hawada Maraykanka.

Afhayeenka waaxda Gaashaandhigga ee Pentagon-ka oo soo xiganayay Gen. Patrick Ryder ayaa sheegay in gantaalka loo yaqaan Sidewinder lagu soo diray shaygan, oo cabbir ahaan la ekaa gaari yar.

“Ma garanayno cidda iska leh sheygan,” ayuu yiri afhayeenka Aqalka Cad John Kirby, isagoo intaas ku daray inaysan caddayn halka ay ka soo billaabatay duullimaadkiisu.

Madaxweyne Joe Biden ayaa amaray in lasoo rido sheygan, sida uu sheegay Aqalka Cad.

Afartii Febraayo, diyaaradadaha dagaalka Mareykanka ee F-22 ayaa xeebaha South Carolina ksoo riday wax ay dowladda Mareykanku ugu yeertay buufinta baasaas oo Shiinahu leeyahay, kadib socdaal toddobaad qaatay oo ay ku soo martay Mareykanka iyo qeybo ka mid ah Kanada.

Dowladda Shiinaha ayaa sheegtay in buufinkan uu ahaa mid waday sahan cilmibaaris rayid ah, kaasoo ku ambaday hawada Mareykanka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Maraykanka oo qaadaya talaabo sii xumeyneysa xiisada kala dhexeysa Shiinaha

Caydiid Ali

Madaxweyne Biixi oo kulan xasaasi ah la qaatay Maxamed A Afey iyo Xubno kale (Sawirro)

Cabdi Cade

Jubbaland oo baaq muhiim u dirtay DFS iyo dowlad goboleedyada

Cabdi Cade
Taboola Ads ---