Allbanaadir.com
NEWS

Siyaasiyiin caan ah oo ka fal celiyay hadalkii kasoo yeeray Ra’isul Wasaare Kheyre (Akhriso)

Siyaasiyiin isugu jira mucaarad iyo muxaafid ayaa siyaabo kala duwan usoo dhaweeyay hadalkii kasoo yeeray Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya ee ku aadanaa in Xukuumadiisa ka shaqeeneyso sidii doorashada ugu dhici laheyd waqtigeeda.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa sheegay in uu soo dhaweenayo hadalka Ra’isul Wasaare Kheyre ee ku aadan in doorashada waqtigeeda dhacdo, waxa uuna bogaadiyay fahamka ku aadan in doorashadu ay wax kasta oo kale ka muhiimsan tahay.

”Waxaan soo dhowaynayaa hadalka Raysalwasaare Kheyre uu ku balanqaaday in la qabto doorasho xiligeeda ku dhacda, la isku raacsanyahay, xasiloon saamilayda siyaasadeedna qayb ka yihiin, si loo ilaaliyo xasiloonada dalka iyo wadajirka ummada. Waxaan kaloo bogaadinayaa fahamka ku aadan in doorashadu ay wax kasta oo kale ka muhiimsan tahay, mudnaana ka leedahay, maadaama ay lafdhabar u tahay xasiloonada dalka.” ayuu yiri Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

Waxaa sidoo kale hadalka Ra’isul Wasaare Kheyre soo dhaweeyay Madaxweynihii hore ee Galmudug Cabdikariin Xuseen Guuleed , waxa uuna sheegay in uu soo dhaweenayo hadalka Kheyre ee tibaaxaya laga maarmanidamada in doorashada dhacdo.

Cabdikariin Guuleed ayaa Xukuumada Kheyre ku dhiiro galiyay in ay ka dhabeeyaan mowqifkooda ku aadan hirgalinta doorasho waqtigeeda ku dhacda,waxa uuna cadeeyay ka shaqeynta xukuumada kheyre arinta doorashada in amaan ku muteesan doonto.

”Waxaan soo dhaweynayaa hadalka ka soo yeeray Raisu Wasaare Xasan Cali Khayre ee tibaaxaya lagama maar-maannimada in dalka ay ka qabsoonto doorasho xiligeedii ku dhacda, lagana talo galiyo dhamaan saamileyda siyaasadeed, dalkana u horseedda daganaan iyo xasilooni siyaasadeed, waxaan Mudane Khayre iyo xukuumaddiisa ku dhiirigalinayaa kuna adkeynayaa inay ka dhabeeyaan mowqifkooda ku aadan arinkaas, dalkana u horseedaan geedi socod doorasho hufan oo qeyb ka qaadata dowlad dhisidda iyo dimuqoradiyeenta dalka, waa hubaal in ka shaqeynta arinkaas ay ku muteysan doonaan amaan iyo bogaadin.” ayuu yiri Mr Guuleed.

Hadalkan kasoo yeeray Ra’isul Wasaaraha xukuumada Soomaaliya ayaa kusoo aadaya xili shaki badan la galinayay in doorasho dalka ka dhacdo sanadka soo socda, waxaana soo baxayay warar sheegaya in qorshe mudo kororsi ah madaxda sare ay wadaan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne Farmaajo oo Warqadaha Aqoonsiga Safiirnimo ka Guddoomay Safiirka Itoobiya (Sawirro)

Cabdi Cade

Ciidamada Danab oo Dilay Sargaal katirsanaa Al Shabaab iyo ilaalo badan uu watay

Cabdi Cade

Ciro oo soo saaray labo Wareegto oo lagu dhaqan gelinayo..

Caydiid Ali
Taboola Ads ---