Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Dowladda Somalia oo Mishiinada Ogsijiinka & qalab kale gaarsiisay Jubbaland (Sawirro)

Mas’uuliyiin ka socday Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ay horkaceysay Wasaaradda Caafimaadka Federaalka ayaa waxa ay maanta gaarsiisay Maamulka Jubbaland (Kismaayo) agab caafimaad oo loogu talagalay latacaalida iyo xakameynta caabuqa cudurka COVID-19

Agabkan ayaa isugu jira qalabka looga hortaggo caabuqa, Neefsiiye iyo qalabka lagu baaro caabuqa.

Sidoo kale masuuliyiinta ayaa kormeer ku sameeyay xarunta lagu xanaaneeyo dadka qaba caabuqa COVID-19.

Wasaarada caafimaadka ayaa sidoo kale maalmo ka hor qalab caafimaad gaarsiisay Degmada Cadaado oo dad badan uu ku soo ritay cudurkan, qaarkoodna ay u dhinteen.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Loollan adag oo ka jira doorashada kursiga HOP123 iyo Musharaxa loo saadaalinayo

Cabdi Cade

Sidee Somalia ku yimaadeen ajaaniibta ka tirsan Al-Shabaab ee maanta la xukumay?

Caydiid Ali

Aadan Madoobe oo guddoomiyay kulan aan Caadi aheyn oo ka dhacay Villa Hargeysa (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---