Qaramada Midoobey oo ka hadashay dhalinyaradii lagu laayey tuulada Gololey

Ku-xigeenka ergeyga xafiiska wakiilka Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey ayaa si xoogan u cambaareeyay dilkii tuulada Galoleey ee gobolka Sh/dhexe loogu geystay todoba dhalinyaro ah iyo hal qof oo rayid ahaa.

“Marnaba lama aqbali karo in la weeraro Shaqaalaha Caafimaadka taasoo xadgudub ku ah xeerarka arrimaha banii’aadanimada” ayuu yiri, Waxaana uu soo jeediyay in baaritaan hufan lagu sameeyo dhacdada lagu dilay dhalinyarada.

Qaramada Midoobey waxay sidoo kale sheegtay in dilka howlwadeenadan Caafimaadka uu imaanayo xilli dowladda Soomaaliya ay la daala dhaceyso xakameynta cudurka Coronavirus, wax ka qabashada daadadka iyo saameynta ayaxa.

Shaley galinkii dambe ayay aheyd markii maydadka 8 dhalinyaro ah lagu arkay duleedka deegaanka Gololeey oo ku dhaw degmada Balcad ee gobolka Shabeellaha Dhexe kuwaasoo laga qafaashay degaanka, waxaana arrintaas lagu eedeeynayaa iney ku lug lahaayeen ciidamo ka tirsan DF.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -