Fiqi & xubno kale oo qaaday Isbaarooyin yiilay Koonfurta Gaalkacyo (Sawirro)

Wasaaradda amniga Galmudug ayaa ku guulaystay in ay qaado isbaarooyinkii yaallay Koofurta Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobalka Mudug.

Wasiirka Amniga Galmudug Axmed Macalin Fiqi oo maalmahan hawlo shaqo u joogay Gaalkacyo oo shaqadan hormuud ka ahaa ayaa ku guulaystay qaadista isbaarooyinkaas sanado yaalley Gaalkacyo iyada oo lagu wareejiyay ciidamo booliis ah oo ka amar qaata wasaaradda amniga ee dowlad goboleedka Galmudug.

Ciidamadan ayaa lagu wadaa iney ka shaqeeyaan ilaalinta nabad gelyada deegaanadii ay yaaleen isbaarooyinka.

Sidoo kale amar kasoo baxay Wasaaradda amniga Galmudug ayaa lagu mamnuucay ka ganacsiga iyo Isticmaalka maandooriyaha loo yaqaano Khamriga kaas oo ay wasaaraddu soo bandhigtay qaar kamid ah oo ay gacanta ku soo dhigeen ciidamada booliiska Galmudug.

Wasiirka amniga Galmudug Axmed Macalin Fiqi ayaa inta uu magacawnaa waxaa uu qabtay hawlo muhiim ah oo ay ugu muhiimsantahay dib u dhiska ciidamada Galmudug taas oo udub dhaxaad u ah xoreynta dhulka ay heysato Alshabaab.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -