Ciidanka booliiska oo soo helay Amaal Nuur oo mudo laga baadi goobayay Muqdisho

Ciidamada booliiska Soomaaliya ayaa ku guuleestay in ay soo helaan Amaal Nuur Cusmaan oo aheyd gabar qurbaha laga keenay kana baxsatay xarun kutaala magaalada Muqdisho oo lagu dhaqan celinayay.

Hooyada dhashay gabadhan ayaa horey u sheegtay in gabadheeda heestaan ciidamo katirsan ilaalada Madaxtooyada Soomaaliya ayna ka dalbadeen lacag madax furasho ah , waxaana warkaasi beeniyay madaxtooyada iyo Maxkamada ciidamada.

Taliyaha ciidanka booliska Soomaaliyeed S/gaas Cabdi Xasan Maxamed (Xijaar) oo maanta Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ciidamada booliiska baadi goob dheer kadib ay soo heleen gabadha maqneyd ee Amaal Nuur.

Waxa uu sheegay taliyaha in gabadhan oo 18-sano jir aheyd aysan jirin ciidan ka xeestay, waxa uuna tilmaamay in gabadhan gacanta ku heysay hay’ad uu sheegay in ay daryeesha gabdhaha Soomaaliyeed ee dhaqan celinta loo keeno dalka.

”Gabadhan oo hooyadeed ku sheegtay 14-jir ma aheyn ee waa 18-sano jir, gabadhan iyo gabdho kale oo kasoo cararay xarun dhaqan celin ah oo xoogaa dhibaato kasoo gaartay , gabadhan waxaa gacanta ku dhigtay Hay’ada daryeel ilaa hadana iyadaa gacanta ku heysa” ayuu yiri Taliye Xijaar.

Dad badan ayaa isweediinaya waxa ku kalifay Hay’ada uu sheegay taliyaha in gabadhanaasi heysay in ay waalidkeeda oo baadi goob uu jiray ka qariyaan, waxaana arintan hadal heyn ka dhalisay baraha bulshada.

Hooyada dhashay gabadhan mudada maqneyd ayaa sheegtay in gabadheeda oo 14-sano jir ah xoog looga heesto ayna heestaan sida ay tilmaantay ciidamo katirsanaa ilaalada Madaxtooyada, waxa ayna tilmaanay in gabadheeda gabdho kale ay shirqooleen.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -