Allbanaadir.com
NEWS

Xil ka qaadis lagu sameeyay Cabdullaahi Nuur Xasan (Cadow) (Akhriso Digreeto)

Maamulka Jubbaland ayaa xil ka qaadis ku sameeyay Gudoomiyihii degmada Baardheere ee gobolka Gedo Cabdulaahi Nuur Xasan (Cadow), waxaana xilkan loo magacaabay Gudoomiye cusub.

Digreeto kasoo baxday Wasiir ku xigeenka Arrimaha gudaha Jubbaland Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen ayaa xilka looga qaaday Gudoomiyihii Baardheere, waxaana lagu bedelay Ismaaciil Sheekh Qorax,oo horay u ahaa guddoomiye ku xigeenka Baardheere.

Sababta xilka looga qaaday Gudoomiyihii degmada Baardheere Cabdulaahi Nuur Xasan ayaa lagu sheegay shaqo gudasho la’aan iyo sidoo kale in uu diiday amarada madaxda isaga ka sareysa .

Halkan ka Akhriso digreetada Xil ka qaadista Gudoomiyaha Baardheere

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Al Shabaab oo bur burisay  Isgaarsiinta magaalo kutaala dalka Kenya

admin

Golaha Wasiiradda oo ansixiyay heshiiska Difaaca ay DFS la gashay dowladda Turkiga

Cabdi Cade

(Sawirro) Xamse Barre oo furay xarun qeyb ka ah dagaalka DF kula jirto Al-Shabaab

Caydiid Ali
Taboola Ads ---