Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Wasaarada Caafimaadka Somalia oo shaacisay dad ka bogsaday COVID-19 & kiisas cusub

Wasaaradda caafimaadka Soomaaliya ayaa maanta sheegtay in 24-kii saac ee lasoo dhaafiyey dalka laga diiwaan geliyey 22 kiis oo cusub oo cudurka COVID-19 ah.

Kiisaskan ayaa 14 ka mid ah laga helay deegaanada Somaliland, halka gobolka Banaadir laga weriyey shan, ayada oo min hal kiis laga xaqiijiyey maamullada Jubaland, Koonfur Galbeed iyo Hirshabelle. Dadkan ayaa 11 waxay yihiin rag, halka 11 ay ka yihiin dumar.

Wasaaradda ayaa sidoo kale sheegtay in hal qof uu cudurka u dhintay 24-kii saac ee tegay. Waxay sidoo kale sheegtay in 18 qof ay cudurka kasoo bogsadeen.

Tirada guud ee kiiska COVID-19 ee Soomaaliya ayaa hadda ah 1,711, waxaa cudurka u dhintay 67 qof, halka 253 qof ay kasoo bogsadeen, sida ay ku warrantay wasaaradda.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Al Shabaab oo heshay Dareeskii ugu Dambeeyay ee Ciidanka Milatariga (Daawo Sawiro)

Cabdi Cade

Prof. Saciid Ciise: “Siyaasad xumada uu dalkeenu ka bixi la’ yahay waxaa u sabab ah..”

Caydiid Ali

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kusii jeeda Degmo katirsan Shabeelaha Dhaxe

Cabdi Cade
Taboola Ads ---