Prof. Saciid Ciise: “Siyaasad xumada uu dalkeenu ka bixi la’ yahay waxaa u sabab ah..”

Xalka maangaabku waa maalmo waana halista wakhtiga fog. Kuwii curiyey iyo kuwii taageeray formulada 4.5 waxey horseedeen siyaasad xumada uu maanta dalkeenu ka bixi la’ yahay. Ilaa iyo hadda kuwii fuliyey fikirkaas shisheeyuhu soo curiyeen weli kama aysan toobad keenin oo weli iyagaa isla jid leh, kuwaasoo ay rajadoodu tahay iney amaan ku mutaan iyo iney yihiin badbaadiyeyaal qaran.

Sidaas si la mida kuwii ka soo shaqeeyey heshiiskii isafgaradka (MOU) ee dhexmaray Soomaaliya oo ay ka jirtey dowlad kmg iyo Kenya oo heshiiskaas qarashka ku baxay ay bixisay dowladda Norway oo ay gadaal ka riixeyso boqortooyada Qatar, iyo kuwa taageeraya saxnaanta isafgaradkaas waa kuwa ku fekeraya xal maangaaba, waxey ahayd maanta in kuwaas qirtaan wixii xiligaas dhacay inuu ahaa dembi qaran, loona baahan yahay iney raaligelin ka bixiyaan, qiraana inuu qalad ahaa, balse kuwii dembigaas galay iyo kuwa ku taageeraya saxnaantiisa ayaaba dalbanaya in iyaga la raali geliyo.

Kuwa aaminsan doorashada dadban oo aan dhamaadka lahayn iyo kuwa ku taageersan jiritaankeeda ah iney sii socoto waa fikir ku saleysan aragti maangaab, waxaadna arkeysaa kuwii xal xumadaas ku liibaaney iney markasta oo ay doorasho dhaceyso iney ku baaqayaan doorasho ay hogaanka u hayaan odey dhaqameedyo aan lahayn aqoon iyo waayoaragnimo siyaasadeed, kuwaas waxey had iyo jeer u taagan yihiin iney xal ku meel gaara ka dhigtaan xilal aan dhamaad lahayn.

Saddexdaas fikradood oo maangaabnimada ku saleysan waxey ka soo maaxatey maskax shisheeye oo si fudud xal kmg ugu soo dhiibey dad aan ahayn kuwo maskaxdoodu fekerto oo aan wax curin karin, laakiin leh maskax si fudud loo adeegsado oo xalka wakhtiga gaaban looga gudbo loogu fuliyo si ma dhamaato ah. Ilaahey ha u toosiyo dadkaas maanka maskaxdoodu rogan yahay oo daacad ha u tuso wixii khaldan iney qirtaan qaladkooda, kana toobad keenaan raali gelin la’aantooda kaalinta ay ku leeyihiin fikradaha qaldan ee dalka siyaasadiisa ay ka soo gaartey waxyeelooyinka waaweyn.

Muwaadanka Soomaaliyeed ee qiimaha badan ha ka gaabsado taageerida fikradaha wax duminaya wakhtiga fog oo u muuqda xalka wakhtiga dhow, sidaas si la midana ha ka fogaadaan iney dhiirogeliyaan xukun kelitalisnimo niicyadiisa kala duwan iyo jabhadnimo xukun lagu qabsado nuucyadeeda kala duwan. Aragtida wanaagsan waa in laga shaqeeyo doorasho ay shacabku codkooda ku dhiibtaan oo ay ku soo doortaan madaxda ku timaada xukunka rabitaankooda. Mariinkaas helistiisu dhibka badan tahay ayaa ah in loogalo geedisocod lagu hiigsado dhibaatadiisa wakhtiga dhow iyo liibaantiisa wakhtiga fog.

Prof. Saciid Ciise Maxamuud 
Guddoomiyaha xisbiga Dadka ahna 
Musharax u taagan xilka Madaxweynaha Somalia

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -