Muxuu Taliyaha Xoogga dalka ku soo arkay Xerada Jen. Kaanti ee deg. Cadaado? (Sawirro)

Taliyaha Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed General Odawaa Yuusuf Raage oo ku jira safar uu Ku marayo Xarumaha Ciidanka Xoogga Dalka ee Deegaanada Galmudug ayaa maanta gaaray Magaalada Cadaado.

General Odawaa Yuusuf Raage ayaa kormeer ku tagey taliska Ciidamada Dhulka Xoogga Dalka ee fadhigoodu yahay Xerada General “Kaanti” ee Duleedka Cadaado .

Kormeerkan waxaa ku wehliyay Taliyaha Xoogga saraakiil ka tirsan qaybaha 21-aad iyo 27-aad ee xoogga dalka sida Genaral Saalax Yacquub oo ah Abaanduulaha qaybta 27-aad iyo Gaashaane Aadan Siyaad Cabdi Abaanduulaha Qaybta 21-aad.

Cutubyo ka tirsan Ciidamada Xoogga ayuu taliyuhu salaan sharaf ka qaatay waxaana intaa kadib soo dhoweyn u sameeyay Maamulka Degmada Cadaado oo uu ugu horeeyo Gudoomiyaha C/llaahi C/raxmaan Tootoole .

Cadaado ayaa haatan qayb ka ah Xarumaha ugu waaweyn ee Qaybta 21-aad iyadoo fadhiisin u ah Guutada 13-aad Qaybta 21-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka .

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -