Ciidamada Haramcad oo kala dhax galay Ciidamo ku dagaalamay Dayniile iyo Saraakiil …

Waxaa saakay dagaal xoogan oo u dhaxeeyay ciidamo milatari ah iyo ciidamada maamulka Degmada Dayniile uu ka dhacay halka loo yaqaan Beco oo ah dhul banaan oo kuyaala Duleedka degmada Dayniile.

Dagaalka ayaa yimid kadib markii ciidamo milatari ah oo isa soo aruursaday ay doonayeen in xoog lagu cabiro laguna falo dhul la sheegay in muran iyo dacwo ka taagnaa oo kuyaala degmada Dayniile.

Ciidamada maamulka degmada Dayniile oo ku baxay dhulka la doonayay in la cabiro ayaa la sheegay in ay isku dhaceen ciidanka milatariga oo ku hubeesnaa gaadiidka dagaalka, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal xoogan.

In ka badan shan askari oo dhinacyada dagaalamay ayaa halkaasi ku dhintay, waxaa sidoo kale ku dhaawacay tiro intaa ka badan, dagaalka ayaana markii dambe istaagay kadib markii ciidamo booliis ah kala dhax galeen.

Sida aan wararka ku helnay ciidamada booliiska sida gaarka ah u tababaran ee Haramcad ayaa tagay goobta lagu dagaalamay iyagoona kala dhax galay ciidamadii dagaalamay, waxaa sidoo kale goobtaasi gaaray saraakiil sar sare oo katirsan booliiska.

Wararkii ugu dambeeyay aan helnay ayaa sheegaya in lakala qaaday ciidamadii dagaalamay, xaalada ayaana hada ah mid degan, waxaana arintan dhacday shirar kaleh saraakiisha booliiska iyo milatariga iyo maamulka degmada.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -