Faah faahino kasoo baxaya Askari gurigiisa ku dhax dilay nin toorey kusoo weeraray

Askari katirsan ciidanka booliiska Soomaaliya ayaa xalay saqdii dhaxe gurigiisa kuyaala degmada Wardhiigley ee gobolka Banaadir ku dhax dilay nin la sheegay in uu toorey kusoo weeraray .

Aabaha dhalay askariga dilka geestay ayaa sheegay in wiilkiisa toorey kusoo weerareen labo nin xili uu ku sugnaa gurigiisa, waxa uuna tilmaamay wiilkiisa oo is difaacayay uu dilay mid kamid ah ragii soo weeraray.

Waxa uu sheegay Aabaha dhalay askari in u muuqday weerarka wiilkiisa lagu soo qaaday mid qorsheesnaa oo lagu doonayay in lagu dilo wiilkiisa, waxa uuna tilmaamay in wiikiisa uusan dooneyn in uu dil geesto balse is difaacid ku dilay ninka soo weeraray.

Ciidamada booliiska gaar ahaan laanta Dambi baarista CID-da ayaa baaritaano ku wada sida uu u dhacay dilka iyo sababta keentay, walina lama oga dhacdadan in ay salka ku heyso muran iyo in arimo kale la xariirto.

Dilkan xalay ka dhacay gudaha degmada Wardhiigley ayaa saakay aad looga hadal hayaa xaafada uu ka dhacay dilkan, waxaana dadka xaafada siyaabo kala duwan uga hadlayaan dilkan iyo waxa keenay.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -