(Daawo Sawirro) Dhismaha Tiyaatarka Qaranka oo si aan caadi aheyn loo qurxiyey

Waxaa heer gebogebo ah maraya dib u dhis iyo dayactir ballaaran oo mudooyinkan lagu samaynayey dhismaha Tiyaatarka Qaranka ee magaalada Muqdisho.

Tiyaatarka oo ku burburay dagaaladii sokeeye ee dalka ka bilowday ku dhowaad 30 ka hor ayaa waxaa dhagax dhigay Madaxweynaha Somalia, iyadoo lagu dhisayo barnaamij loo bixiyey isxilqaan oo ay iska kaashanayaan DF iyo shacabka gobolka Banaadir.

Sawirro laga soo qaaday tiyaatarka ayaa muujinaya sida wanaagsan ee ay iminka u socoto howsha dayactirku, iyadoo qaybta fadhiga lagu xirey kuraas casri ah, isla markaana loo sameeyey naqshad soo jiidisho leh oo la mid ah mida Masraxyada casriga ah ee caalamka.

Waxaa sidoo kale dayactar iyo qurxin lagu wadaa masraxa loogu tala galay in la istaago oo lagu dhejin doono agabka maqalka iyo muuqaalka caawiya.

Waxaa gudaha Tiyaatarka laga furay xafiisyadii ay ku shaqaynayeen maamulka fanaaniinta iyo kuwa dowladda ee qaabilsan dhanka madadaalada iyo fanka.

Waxaa la filayaa in Tiyaatarka Qaranka iyo mashaariic kale uu xariga ka jaro Madaxweyne Farmaajo bisha Juun ee socota iyadoo lagu beegayo maalmaha ee xoriyada ee 26-Juun iyo 1-da Luulyo.

DHISMAHA KA HOR SIDA UU U BURBURSANAA

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -