Qarax Meyd lagu soo xiray oo lagu dilay Mas’uuliyiin ka tirsan Koonfur Galbeed

Faahfaahino ayaa ka soo baxaya weerar iskugu jiray qaraxyo iyo mid toos ah oo saaka xoogaga Al-shabaab ku qaadeen degaanka Goof-guduud ee gobolka Bay.

Al-Sh$abaab ayaa la sheegay iney gaari qarax laga soo buuxiyey ku dhufteen xero ay halkaas ku leeyihiin ciidamada dowlada, iyadoo ka dibna ay xigtay dagaalyahano hubeysan oo weerar toos ah ku qaaday.

Taliska ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo goor dhow War soo saaray ayaa sheegay in Guddoomiyihii degaanka Marxuum Isaaq Cali iyo taliyihii Booliska Goof-guduud marxuum Xasan Isaaq Xasan ay ka mid noqdeen shan xubnood oo lagu dilay weerarkaas.

“Weerar ay saaka argagixisadu ku qaaday Deegaanka Goofgaduud Buurey ee Gobolka Baay, waxaa ku dhintay 5 xubnood oo kala ah: Masuuliyiin, Ciidanka iyo dadka deegaanka, weerarka ayaa ku bilowday gaari lagu Soo raray walxaha Qarxa oo lagu weeraray Xarunta Degaanka, waxaa halkaas ku dhintay 3 xubnood oo isagu jira (2-Xubnood oo Ciidanka Xooga Dalka ah iyo eedeysane)” ayaa lagu yiri qoraalka.

“Intaas kadib, ayey argagixisadu isticmaaleen dhagar, iyagoo Meyd ku soo xiray qarax, waxaana goobta ku baxay Guddoomiyihii Degaanka iyo Taliyihii Saldhiga Boliiska oo iyaguna ku naf wsayay qaraxii 2-aad ee meydka ku xirnaa” ayaa lagu sidoo kale qoraalka ka soo baxay taliska Booliska

Guud ahaan dhimashada qaraxyada maanta ka dhacay Deegaanka Goofgaduud ayaa noqonaya ilaa 5 xubnood sida uu talisa Boolisku sheegay, lamana oga khasaaraha gaaray dhinaca kale, iyadoo war saaka ay soo saartay Al-shabaab lagu sheegay iney guud ahaan la wareegeen degaankaas ayna khasaare xoogan u geysteen ciidamada dowlada.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -